TAARIIKDII JAMHUURIYADA SOMALILAND.
S omaliland waa magac aad ucusub marka la eego taariikhda
uu wadankani leeyahay, jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray
dhulkii uduga iyo cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen
masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka
uu kasoo jeedo magaca berbera. xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku
soo gaadhay somaliland waxa looyaqaanay dhulkii saylac,ugu danbayntii xiligan
aan joogno waxa lagu magacaabaa somaliland.
Taariikhda guud ee Somaliland
casriyadii hore ilaa iminkaiyo Taariikhdii
bilawga ahayd ee casri jaahiligii
Somaliland waxay ku taal cidhifka bari ee geeska Afrika,
dhinaca Waqooyi galbeed waxa ka xiga ama ay deris la tahay dalka
Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna
waxaa ka xiga Ethiopia, barina
waxaa ka xiga maamul goboleedka Puntland. Tirada dadka
Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 4.5 malyan , Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2.
Somaliland waxaa dhinaca waqooyiga ka xiga badda cas oo ku fadhida xeeb
dhererkodu yahay 870 km2.
Somaliland oo leh taariikh aad u balaadhan
dadkuna aanu wada aqoon. Waxay kamid tahay meelaha ugu horraysay ay ka hana
qaaday ilbaxnimada adduunku. Dadka taariikhda ku xeeldheeri waxay sheegeen in
farraaciintii hore asalkoodu Somali kasoo jeedaan. Degnaan jireen dhulka
xeebaha badda cas, taasoo markii danbana ay xidhiidh qoto dheer la lahaayeen
Somaliland. Waxaana xaddaaradda Somaliland ku simantahay ilaa 7000 sanadood ciise hortii.
Soogelitaankii gumeestihii
Reer Yurub
Sannadkii 1869kii ayaa la qaybsaday s/land, 1884
shirkii Barlin waxaa laga furay marinka kanaal Suways oo
taasi ku dhiirigelisay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika Waxaana la aamisan
yahay in Somaliland oo ahayd dal ku fiican dhinaca istiraajiyada oo isku
xidhaayey bada cas iyo bad weynta India. Haddaba salaanka gumaystayaasha ee Somaliland waxaa uu kaw saday 1839kii markii Ingiriisku
qabsaday magaalada xeebta ah ee Cadan.Sannadkii 1827kii ayaa Captain
Bermer oo ahaa badmareenadii ingiriis ahi yimid Somaliland
oo uu xidhiidh la yeeshay odayaashii dhaqanka ee Somaliland. Lugtii ay lasoo
galeen gumaystayaashu Somaliland waxay dhaafi kari waayeen uguhorrayn xeebaha,
waxaana usuuroobi wayday inay waddanka horuu galaan intii ka captain Sir
Richman Burton. Mr Burton wuxuu galay gudaha dalka waxaanu tagay dhulka
miyiga ah, waxaana uu sanadii 1854kii lug kumaray xeebta Berbera
ilaa magaalada Herar.
Hadaba Boqortooyadii Engiriiska waxay yimaadeen
xeebaha Somaliland. Ingiriisku dhowr jeer buu heshiisyo kala duwan la saxeexday
odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii
oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland.Sannadkii
1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo
gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka ee
daraawiishta iyo dawladdii Ingiriiska . Ugu danbayna waxaa la jebiyey Mohamed Cabdulle Xasan sannadku
markuu ahaa 1921kii.
Waxaana halkaas kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar usoo halgamay
xornimadii aan qaadanay lixdankii. Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon
dagaalkii labaad dabadiisii.
khilaafkii 21 oktober\1969kii iyo wixii
kasoobaxay
Waxaa 21 Oktober 1969kii uu dalka ka dhacay
inqilaab ee ay dhigeen ciimada qalabka sidaa, waxaana talada la wareegay
ciidamada oo uu hoggaaminaayo Gen-Mohamed
Siyaad Barre.10 januari 1970kii waxaa kelidii taliyihii Siyaad
Barre sameeyey maxkamadii badbaada oo xukumi jirtay xukunka dilka si looga
takhaluso dadka aan taageersanayn madaxweynaha.
21 Oktober 1970kii wuxuu Siyaad Barre ku dhawaaqay in Soomaaliya qaadatay
nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Taasoo rabay inuu ugu bedelo
inqilaabkii hab ku salaysan dhaqaaq siyaasadeed. Waxaana loo ololeeyey wixii
loogu magacdaray kacaankii hantiwadaaga Somaliyeed. 1972kii waxaa la
sameeyey ciimadii guulwadayaasha oo ujeedadoodu ahayd inay cabudhiyaan oo
xabsiga u taxaabaan dadka shacbiga ee lagu tuxmo inay kacaan diid yihiin.
July 1972kii waxaa ladilay labadii Jenaraal ee Salaad Gabayle, iyo Mohamed
caynaanshe oo ka tirsanaa saraakiishii inqilaabka dhigay. Salaad
gabayle wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeen. Waxaa lagu xukumay dil ka dib markii
lagu eedeeyey inay maleegayeen shirqool ay xukunka kaga tuurayaan Siyaad
Barre.Oktober 1972kii waxaa lagu dhaqaaqay in la qoro Af-soomaliga oo uu
noqdo luqadda rasmiga ah ee dalka.
1972kii-1975kii waxaa la qaaday ololihii barashada qorista Somaliga, oo
markii danbana isu rogay olalihii horumarinta reer miyiga, ee la rabay in dadku
waxna qoraan waxna akhriyaan.1975kii waxaa la sameeyey 15 gobol oo
cusub oo lagu bedelayeey 8 gobol
ee hore u jiray. Waxaana ay ka koobnaayeen 78
degmo. Somaliland oo ka koobnayd 3 gobol
looma samayn gobolo iyo degmooyin cusub toona. 1975kii Siyaad
Barre wuxuu shaqadii ka eryey 50 saraakiil sare iyo madax ah oo
badankooda ka soo jeeda Somaliland, waxaana uu ku bedelay dadka uu ku tuhmaayey
inay taageersanyihiin kacaanka oo u badnaa caa'iladiisa ah.
1977kii maamulkii siyaad Barre wuxuu weerar ku qaaday dalka
Itoobiya, waxaana markii hore uu ku guulaystay dagaalkaas. Laakiin waxaa
dagaalku dhamaaday markii ciidamo Ruush iyo Kuubaan ahi usoo gurmadeenItoobiya
ee ay si toosa dagaalka usoo galeen. Waxaana ciidamadii Soomaaliya dibuga soo
noqatay dhammaan dhulkii horuu qabsadeen.
KACDOONKII DADWEYNAHA IYO
BILAWGII DAGAALKA SOKEEYE:
1978 waxaa dhacay inqilaabkii baaqday ee uu hoggaaminaayey
ColCirro. Taasoo Siyaadna ku wayraxay dadkii shacbiga ahaa ee deganaa gobolada
dhexe.Kadib markii shacbiga Somaliland u adkaysan waayeen dhibaatada baladhaan
ee uu ku hayo taliskii siyaad barre oo lagu hayey shaciga cadaadis ballaadhan
oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi waxaa
sannadkii 6 april 1981 waxaa lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay
taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay
60kii.
20 Februari 1982 waxaa dalka ka bilowday kacdoon shacbi kadib markii dil
lagu xukumay dhallinyaradii UfO.
Isla sannadkaasna waxaa baxay saraakiil ka tirsanaa ciidamada qalabka sida kuna
biiray ururkii SNM, halkaasoo
ay dagaal hubaysan kala hortageen taliskii Siyaad Barre.isla sannadkaas waxaa
la xidh xidhay madaxdii sare ee dawladdii Siyaasad Barre kaga jiray reer
Somaliland, madaxdaas oo ay kamid ahaayeen Ismail
Ali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib waxaa lagu eedeeyey inay yihiin qaran
dumis waxaana iyaga saraakiishii kaleba lagu xumuy dil.Intii intaas ka danbaysay
waxaa sii badanaayey kacdoonka dadweynaha, waxaana shacbigu taageero hagar
la'aana u hureen ururkii SNM. SNM waxaa ay weerar siyasadeed iyo mid ciidan ba
ku qaadatay taliskii wakhtigaas jiray.
Bilowgii sannadkii 1988 markuu taliskii Siyaad Barre u adkaysan waayey halgankii SNM
ayuu si kadis ah ula heshiiyey dawladda Itoobiya oo uu ka dhaxaysay colaad iyo
guluf xumi.
27 Mey ciidamadii SNM waxay weerar lama filaana ku
qaadaan ciimadii gaaska 4aad ee
fadhiyey magaalada Burco.
Sidoo kalena 31 Mey ayaa cutubyo kale oo SNM ay iyana guluf kalaa
baxsheen ciimadiii qaybta 26naad ee
saldhigoodu ahaa magaalada Hargeysa.
Weeraradaas oo ay SNM kasoo hooyeen guul badani, sidoo kalena keenay qasaare.
Kadib markii ay ciidamadii daacadda u ahaa Siyaad
Barre u babac dhigi kari waayeen halgankii SNM waxay weerar aargoosi ah ku
qaadeen shacbigii masaakiinta ahaa ee reer Somaliland. Waxaana sannadkii
1988 ka dhacay gobolada waqooyi mid kamid ah xasuuqa ugu ba'an ee soo mara qaaradda Afrika. Waxaana isla sannadkaas oo qudha ururka xuquuqda aadamiga
ee Afrika ay warbixintii 1990 ku qiyaaseen in la gawracay intii udhaxaysay 8 ilaa 20 Maarso 1989kii- 50,000
oo shacbi ah oo aan waxba galabsan.
14 July 1989 waxaa magaalada Muqdisho lagu xasuuqay 47-198 qof oo
kaMay soo jeedin reer Somaliland. Xasuuqan oo la magacbaxay gawracii Jasiira. Dadkaas la xasuuqay
oo u badnaa arday iyo macalmiin aan waxba galabsan, waxaa la qafaashay iaygoo
guryahoodii iska hurda waxayna naftooda u waayeen qabiilka ay yihiin oo qudha.
May 1990 waxaa kooxdii manifeesto oo ka koobnaa 100 qof oo isagu jira madax siyaasadeed iyo baayacmushtar oo ay soo saareen codsi ay dawladda kaga codsanayaan inay la heshiiso
mucaaridka, shacbigana taladana wax laga siiyo. Codsigaas oo uu diiday
madaxweyne Siyaad waxaa la xidhay 45 qof
oo kamid ahaa kuwii codsiga sameeyey laguna eedeeyey inay yihiin danbiilayaal
qaran.
26 Janaayo 1991 ayaa madaxweyne Siyaad
Barre ka baxay magaalada Muqdisho, kadib markuu ka dhacay magaala madaxda
gadood shacbi oo taageerayaan ururkii
USC ee uu hogaaminaayey Mohamed
Farah Caydiid. 27 Janaayo waxaa iyadoon lagala tashan bulshada
Somaliyeed madaxweyne ku meelgaadh ah loogu magacaabay Ali Mahdi oo katirsanaa kooxdii manifeestada.xiligaas oo ay dadkii ku noolaa muqdisho ay bililliqayteen hantidii taaley madax
tooyadii muqdisho.
DIBU ULASOO NOQOSHADII
QARANIMADA SOMALILAND
27 Jannayo 1991 ayaa ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen dhamaan dalkii
hore loo odhan jiray Somaliland. Dabadeedna madaxdii SNM waxay ka shaqeeyeen
inay heshiiyeen oo walaaleeyaan beelihii walaalaha ee ay iska horkeentay
dawladii hore ee Siyaad Barre. 18 Mey 1991 shirbeeleedkii ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu
go'aansaday lagagana dhawaaqay gooni isu taagga qaranimada Somaliland.
Maalintaas oo ay Somaliland la soo noqotay
marlabaad xornimadoodii luntay, noqotayna dal madax bannaan oo buuxinaya
dhamaan astaamaha ay leedahay dawladi. Laakiin wali Jamhuuriyadda cusubi waxay
sugaysa aqoonsi caalamiya.
Waxaanan rajaynayaa in reer maandeeq dhakhso u heli doonto ictiraaf caalamiya
oo ay rumawdo riyada shacbiga Somaliland oo ahayd inay noqdaan dal madax
bannaan oo kamid ah bulshada Soomaaliwayn.inkastoo midnimada soomaaliwayn ay
muqadas tahay iyo waa jib nawada saaran oo lagama maar maan ah.
hore diyaaradu waxa ka soo duushay somalia waxaana ladoo nayay inay soo caga
dhigato djabuuti si ay wadan keena sidhibyar ugu soo duusho oo ay udu
qayso dadkeena bishii ogos 1988kii. waxa ay kuxu maatay eerboorka waayo magarankarno waxa ku
dacay waxaanu umalaynaynaa, in uu shidaalkii ka dhamaaday amaba cilad farsamo
ay cadawgii uga yaaceen eerboorka .maarayihii saaray khayryada diyaarada waxa
uu ahaa :-maayir cawl cilmi cabdala intii udhacaysa 2001---2002 inta aanu dhiman allaha ha unaxariistee madaxwayne :
maxamed xaaji ibraahim cigaal
prepared by :abdirahman
mahdi[cmx]