Thursday, December 6, 2018

Taariikhda somaliland oo dhaystiran


 TAARIIKDII JAMHUURIYADA SOMALILAND.
S omaliland waa magac aad ucusub marka la eego taariikhda uu wadankani leeyahay, jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo magaca berbera. xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaadhay somaliland waxa looyaqaanay dhulkii saylac,ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa somaliland.

Taariikhda guud ee Somaliland casriyadii hore ilaa iminkaiyo    Taariikhdii bilawga ahayd ee casri jaahiligii

Somaliland waxay ku taal cidhifka bari ee geeska Afrika, dhinaca Waqooyi galbeed waxa ka xiga ama ay deris la tahay dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga maamul goboleedka Puntland. Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 4.5 malyan , Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Somaliland waxaa dhinaca waqooyiga ka xiga badda cas oo ku fadhida xeeb dhererkodu yahay 870 km2.
Somaliland oo leh taariikh aad u balaadhan dadkuna aanu wada aqoon. Waxay kamid tahay meelaha ugu horraysay ay ka hana qaaday ilbaxnimada adduunku. Dadka taariikhda ku xeeldheeri waxay sheegeen in farraaciintii hore asalkoodu Somali kasoo jeedaan. Degnaan jireen dhulka xeebaha badda cas, taasoo markii danbana ay xidhiidh qoto dheer la lahaayeen Somaliland. Waxaana xaddaaradda Somaliland ku simantahay ilaa 7000 sanadood ciise hortii.
   Soogelitaankii gumeestihii Reer Yurub
Sannadkii 1869kii ayaa la qaybsaday s/land, 1884 shirkii Barlin waxaa laga furay marinka kanaal Suways oo taasi ku dhiirigelisay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika Waxaana la aamisan yahay in Somaliland oo ahayd dal ku fiican dhinaca istiraajiyada oo isku xidhaayey bada cas iyo bad weynta India. Haddaba salaanka gumaystayaasha ee Somaliland waxaa uu kaw saday 1839kii markii Ingiriisku qabsaday magaalada xeebta ah ee Cadan.Sannadkii 1827kii ayaa Captain Bermer oo ahaa badmareenadii ingiriis ahi yimid Somaliland oo uu xidhiidh la yeeshay odayaashii dhaqanka ee Somaliland. Lugtii ay lasoo galeen gumaystayaashu Somaliland waxay dhaafi kari waayeen uguhorrayn xeebaha, waxaana usuuroobi wayday inay waddanka horuu galaan intii ka captain Sir Richman Burton. Mr Burton wuxuu galay gudaha dalka waxaanu tagay dhulka miyiga ah, waxaana uu sanadii 1854kii lug kumaray xeebta Berbera ilaa magaalada Herar.
Hadaba Boqortooyadii Engiriiska waxay yimaadeen xeebaha Somaliland. Ingiriisku dhowr jeer buu heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland.Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka ee daraawiishta iyo dawladdii Ingiriiska . Ugu danbayna waxaa la jebiyey Mohamed Cabdulle Xasan sannadku markuu ahaa 1921kii.
Waxaana halkaas kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii. Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.
khilaafkii 21 oktober\1969kii iyo wixii kasoobaxay
Waxaa 21 Oktober 1969kii uu dalka ka dhacay inqilaab ee ay dhigeen ciimada qalabka sidaa, waxaana talada la wareegay ciidamada oo uu hoggaaminaayo Gen-Mohamed Siyaad Barre.10 januari 1970kii waxaa kelidii taliyihii Siyaad Barre sameeyey maxkamadii badbaada oo xukumi jirtay xukunka dilka si looga takhaluso dadka aan taageersanayn madaxweynaha.
21 Oktober 1970kii wuxuu Siyaad Barre ku dhawaaqay in Soomaaliya qaadatay nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Taasoo rabay inuu ugu bedelo inqilaabkii hab ku salaysan dhaqaaq siyaasadeed. Waxaana loo ololeeyey wixii loogu magacdaray kacaankii hantiwadaaga Somaliyeed. 1972kii waxaa la sameeyey ciimadii guulwadayaasha oo ujeedadoodu ahayd inay cabudhiyaan oo xabsiga u taxaabaan dadka shacbiga ee lagu tuxmo inay kacaan diid yihiin.
July 1972kii waxaa ladilay labadii Jenaraal ee Salaad Gabayle, iyo Mohamed caynaanshe oo ka tirsanaa saraakiishii inqilaabka dhigay. Salaad gabayle wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeen. Waxaa lagu xukumay dil ka dib markii lagu eedeeyey inay maleegayeen shirqool ay xukunka kaga tuurayaan Siyaad Barre.Oktober 1972kii waxaa lagu dhaqaaqay in la qoro Af-soomaliga oo uu noqdo luqadda rasmiga ah ee dalka.
1972kii-1975kii waxaa la qaaday ololihii barashada qorista Somaliga, oo markii danbana isu rogay olalihii horumarinta reer miyiga, ee la rabay in dadku waxna qoraan waxna akhriyaan.1975kii waxaa la sameeyey 15 gobol oo cusub oo lagu bedelayeey 8 gobol ee hore u jiray. Waxaana ay ka koobnaayeen 78 degmo. Somaliland oo ka koobnayd 3 gobol looma samayn gobolo iyo degmooyin cusub toona. 1975kii Siyaad Barre wuxuu shaqadii ka eryey 50 saraakiil sare iyo madax ah oo badankooda ka soo jeeda Somaliland, waxaana uu ku bedelay dadka uu ku tuhmaayey inay taageersanyihiin kacaanka oo u badnaa caa'iladiisa ah.
1977kii maamulkii siyaad Barre wuxuu weerar ku qaaday dalka Itoobiya, waxaana markii hore uu ku guulaystay dagaalkaas. Laakiin waxaa dagaalku dhamaaday markii ciidamo Ruush iyo Kuubaan ahi usoo gurmadeenItoobiya ee ay si toosa dagaalka usoo galeen. Waxaana ciidamadii Soomaaliya dibuga soo noqatay dhammaan dhulkii horuu qabsadeen.
KACDOONKII DADWEYNAHA IYO BILAWGII DAGAALKA SOKEEYE:
1978 waxaa dhacay inqilaabkii baaqday ee uu hoggaaminaayey ColCirro. Taasoo Siyaadna ku wayraxay dadkii shacbiga ahaa ee deganaa gobolada dhexe.Kadib markii shacbiga Somaliland u adkaysan waayeen dhibaatada baladhaan ee uu ku hayo taliskii siyaad barre oo lagu hayey shaciga cadaadis ballaadhan oo isugu jira dil dhac, xadhig, kufsi waxaa sannadkii 6 april 1981 waxaa lagu dhawaaqay ururkii SNM oo ay taageersanaayeen shacbiga Somaliland si ay ula soo noqdaan xornimadoodii luntay 60kii.
20 Februari 1982 waxaa dalka ka bilowday kacdoon shacbi kadib markii dil lagu xukumay dhallinyaradii UfO. Isla sannadkaasna waxaa baxay saraakiil ka tirsanaa ciidamada qalabka sida kuna biiray ururkii SNM, halkaasoo ay dagaal hubaysan kala hortageen taliskii Siyaad Barre.isla sannadkaas waxaa la xidh xidhay madaxdii sare ee dawladdii Siyaasad Barre kaga jiray reer Somaliland, madaxdaas oo ay kamid ahaayeen Ismail Ali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib waxaa lagu eedeeyey inay yihiin qaran dumis waxaana iyaga saraakiishii kaleba lagu xumuy dil.Intii intaas ka danbaysay waxaa sii badanaayey kacdoonka dadweynaha, waxaana shacbigu taageero hagar la'aana u hureen ururkii SNM. SNM waxaa ay weerar siyasadeed iyo mid ciidan ba ku qaadatay taliskii wakhtigaas jiray.
Bilowgii sannadkii 1988 markuu taliskii Siyaad Barre u adkaysan waayey halgankii SNM ayuu si kadis ah ula heshiiyey dawladda Itoobiya oo uu ka dhaxaysay colaad iyo guluf xumi.
27 Mey ciidamadii SNM waxay weerar lama filaana ku qaadaan ciimadii gaaska 4aad ee fadhiyey magaalada Burco. Sidoo kalena 31 Mey ayaa cutubyo kale oo SNM ay iyana guluf kalaa baxsheen ciimadiii qaybta 26naad ee saldhigoodu ahaa magaalada Hargeysa. Weeraradaas oo ay SNM kasoo hooyeen guul badani, sidoo kalena keenay qasaare.
Kadib markii ay ciidamadii daacadda u ahaa Siyaad Barre u babac dhigi kari waayeen halgankii SNM waxay weerar aargoosi ah ku qaadeen shacbigii masaakiinta ahaa ee reer Somaliland. Waxaana sannadkii 1988 ka dhacay gobolada waqooyi mid kamid ah xasuuqa ugu ba'an ee soo mara qaaradda Afrika. Waxaana isla sannadkaas oo qudha ururka xuquuqda aadamiga ee Afrika ay warbixintii 1990 ku qiyaaseen in la gawracay  intii udhaxaysay 8 ilaa 20 Maarso 1989kii- 50,000 oo shacbi ah oo aan waxba galabsan.
14 July 1989 waxaa magaalada Muqdisho lagu xasuuqay 47-198 qof oo kaMay soo jeedin reer Somaliland. Xasuuqan oo la magacbaxay gawracii Jasiira. Dadkaas la xasuuqay oo u badnaa arday iyo macalmiin aan waxba galabsan, waxaa la qafaashay iaygoo guryahoodii iska hurda waxayna naftooda u waayeen qabiilka ay yihiin oo qudha.
May 1990 waxaa kooxdii manifeesto oo ka koobnaa 100 qof oo isagu jira madax siyaasadeed iyo baayacmushtar oo ay soo saareen codsi ay dawladda kaga codsanayaan inay la heshiiso mucaaridka, shacbigana taladana wax laga siiyo. Codsigaas oo uu diiday madaxweyne Siyaad waxaa la xidhay 45 qof oo kamid ahaa kuwii codsiga sameeyey laguna eedeeyey inay yihiin danbiilayaal qaran.
26 Janaayo 1991 ayaa madaxweyne Siyaad Barre ka baxay magaalada Muqdisho, kadib markuu ka dhacay magaala madaxda gadood shacbi oo taageerayaan ururkii USC ee uu hogaaminaayey Mohamed Farah Caydiid. 27 Janaayo waxaa iyadoon lagala tashan bulshada Somaliyeed madaxweyne ku meelgaadh ah loogu magacaabay Ali Mahdi oo katirsanaa kooxdii manifeestada.xiligaas oo ay dadkii ku noolaa muqdisho ay bililliqayteen hantidii taaley madax tooyadii muqdisho.
DIBU ULASOO NOQOSHADII QARANIMADA SOMALILAND
27 Jannayo 1991 ayaa ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen dhamaan dalkii hore loo odhan jiray Somaliland. Dabadeedna madaxdii SNM waxay ka shaqeeyeen inay heshiiyeen oo walaaleeyaan beelihii walaalaha ee ay iska horkeentay dawladii hore ee Siyaad Barre.  18 Mey 1991 shirbeeleedkii ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu go'aansaday lagagana dhawaaqay gooni isu taagga qaranimada Somaliland.
Maalintaas oo ay Somaliland la soo noqotay marlabaad xornimadoodii luntay, noqotayna dal madax bannaan oo buuxinaya dhamaan astaamaha ay leedahay dawladi. Laakiin wali Jamhuuriyadda cusubi waxay sugaysa aqoonsi caalamiya. Waxaanan rajaynayaa in reer maandeeq dhakhso u heli doonto ictiraaf caalamiya oo ay rumawdo riyada shacbiga Somaliland oo ahayd inay noqdaan dal madax bannaan oo kamid ah bulshada Soomaaliwayn.inkastoo midnimada soomaaliwayn ay muqadas tahay iyo waa jib nawada saaran oo lagama maar maan ah.
Taariikhdii diyaaradii somalia ee taala khayryadaMarkaDIYAARADA TAALADA HARGEISA EE SOMALIA
hore diyaaradu waxa ka soo duushay somalia waxaana ladoo nayay inay soo caga dhigato djabuuti si ay wadan keena sidhibyar ugu soo duusho oo ay udu qayso dadkeena bishii ogos 1988kii. waxa ay kuxu maatay eerboorka waayo magarankarno waxa ku dacay waxaanu umalaynaynaa, in uu shidaalkii ka dhamaaday amaba cilad farsamo ay cadawgii uga yaaceen eerboorka .maarayihii saaray khayryada diyaarada waxa uu ahaa :-maayir cawl cilmi cabdala  intii udhacaysa 2001---2002 inta aanu dhiman allaha ha unaxariistee madaxwayne : maxamed xaaji ibraahim cigaal

                                                                                              prepared by :abdirahman mahdi[cmx]


No comments:

Post a Comment